Bilowga Hantiwadaagga
$2
HORDHIG
Markii la arkay baahida dadweynaha Soomaaliyeed u qabo inuu kororsado aqoontiisa guud ahaaneed, khaasatan aqoonta hantiwadaagga cilmiga ah, isla markaana la tixgelinayo dhibaatada waqtiga aynnu maraynno oo xagga dhaqaalaha iyo kaadirka aqoon sare leh innaga haysata, ayaa waxaa loo baahday in Af Soomaali lagu qoro ama lagu turjumo intii buugag la awoodi karo.
Markaas waxaa Guddiga Siyaasadda iyo Bulshada iyo Xafiiska Siyaasaddu iyaga oo fulinaya tusaalihii Jaalle Siyaad iyo go’aanadii Labada Gole, ugu talogaleen buuggan kooban dadweynaha xoogsatada ah inuu akhristo ama wax ka barto. Waxa laga baranayaa buugga macluumaad guud ahaaneed oo si wanaagsan kuugu kala sawiraya hantigoosiga, hantiwadaagga, heerka dunidu marayso iyo guulaha iyo ujeeddada Kacaanka 21ka Oktoobar oo ka hirgelinaya Soomaaliya hantiwadaagga Cilmiga ah.
Jaallayaasha dersiga ka bixinaya waxa laga rajaynayaa inay ballaariyaan arrimaha aan si qotodheer loo faahfaahin, kuna baahiyaan aqoonta dadweynaha Soomaaliyeed iyaga oo u sahlaya tusaalena marwalba ka bixinaya waayaheenna.
buga waxa uu ka kooban yahay 82 page wana pdf








Reviews
There are no reviews yet.