Aasaaska Naxwaha of Soomaaliga

$2

NAXWAHA

Barashada afku ma aha inaad garatid erayada iyo micnahooda oo keliya ee waa inaad baratid sida hagaagsan ee erayadu isu raaci karaan iyo sida ay isula shaqayn karaan, taas oo lagu gaari karo barashada Naxwaha Afka. Naxwuhu wuxuu ka sameysan yahay xeerar wada shaqeeya, laguna barto sida wanaagsan ee Afka loogu hadlo, loona qoro. Naxwuhu wuxuu u kala baxaa saddex qaybood:

  • Qaybta hore waxaa lagu magacaabaa CODAD, waxaana laga bartaa sida loogu dhawaaqo iyo sida loo qoro erayga.

  • Qaybta labaad waxaa lagu magacaabaa QAYBTA HADALKA, waxaana laga bartaa eray kasta qaybta uu ka tirsan yahay.

  • Qaybta saddexaad waxaa lagu magacaabaa DHISMAHA WEERAHA, waxaana laga bartaa sida hagaagsan ee qaybaha hadalku ay isu raacraaci karaan marka la dhisayo weeraha oona la doonayo in laga ilaaliyo qaladka ka iman kara xagga NAXWAHA.

42 pages

Category:

Reviews

There are no reviews yet.

Be the first to review “Aasaaska Naxwaha of Soomaaliga”

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Shopping Cart